Warbixintii Ciise Dhollowaa ee Socdaalkii Boosaaso iyo Australia
Janaayo 5, 2002
Waxaan u soo gudbinayaa dhamaan ummadda Somaliyeed ee la socotey socdaalkaygii
aan ku gaarey Bosaaso in ilaahay aniga iyo sadexdii gabdhood ee aan raadshey uu
na nabad keenay. Safarkaasina wuxuu noqday mid lagu guuleystey.
Caruurtaasi waxaa hada hoy u ah magaladan Melbourne meel u jirta ilaa 70Km oo
mageceeda la yiraahdo Kilmore, halkaasna waxaa ku haya ururka [Oganisation]-ka caruurta
masuulka ka ah iyo labo gabdhood oo Somaliyeed oo iyagu wakhtigooda qaaliga ah u
huray tabarucaadka sadexdaas gabdhood.
Caasho Ciise maxamed
|
Gabdhahaas da'doodu waxaa ay u dhexaysaa 6 ilaa 7 sano, waxaana ay ka kala
yimaaden magaalada Buurtinle, Garoowe iyo tuulo aan aad uga fogayn magaalada
Ceerigaabo. Labada gabdhood ee kala ah Caasho Ciise maxamed iyo Faadumo Carab
waxaa laga hayaa wadnaha, waxaana lagu raja weyn yahay in labadaas gabdhood
wadnaha laga qalo sadexda asbuuc ee soo socda. Maanta oo taariikhdu tahay 5
January waxaa cisbitaalka magiciisa layiraahdo Royal Childern's Hospital, ku
jirta gabadha layiraahdo Caasho Ciise Maxamud oo wadnaha laga hayo. Labada
gabdhood ee kalena waxay hada ku sugan yihiin magaalda hoygooda ah oo layiraahdo
Kilmore.
Caruurtan keenistood waddankan waxaa howshooda ka qayb qaatay dad badan oo aanan
halkan ku soo koobi karin. Waxaanse marka u horaysa mahad u soo jeedinayaa
RABIGA WEYN ee isaga maaheen aan cid kale aan la caabudin, arinkana suurta
geshey si nabad ahaan ah. Ilaahayna mahad weyn ayaan u soo jeedinayaa, waxaana
leeyahay ilaahow adiga ayaa mahadaas leh.
Faadumo Carab Saciid
|
Waxanse guud maryaa dadkii hawsha ugu waaweyn ila qabtay. Waxaana dadkaas ugu
horaya Gudiga qaaliga ah ee igala shaqayey arinkan, kuwaas oo jooga magaaldan
Melbourne. Waxaana gudigaas mahad weyn u soo jeedinayaa Sheekh Cisse Cabdo oo
isagu soo dhameyey dhaqaalaha caruurta halkan lagu keenay. Dhaqaalhaasna uu ka
soo ururiyey dad badan oo Somali iyo ajnebi Islaam ahba ay ku jiraan. Waxana
isla markaas mahad weyn u soo jeedinayaa Moira Kelly oo ah gudoomiyaha hawshan
aan qabanay, haatan gacanta ku haysa caruurtaas.
Waxaan mahad qaaliya u soo jeedinayaa Cabdikariim Cirfe oo isagu safarkayagii
hore noogu deeqay baabuurkiisa, nooguna yimid magaalada Boosaaso si uu noogeeyo
ilaa Gaalkacayo, kadibna noogu soo celiyo magaalada Bosaaso. Waxaa Cabdikariin
isla markaas ka qayb qaatay soo dirida warbixinta caafimaad [medical reports]-ka
caruurtaas joogtey
Buurtinle iyo Garoowe, hawshaas oo uu uga yimid fadhigiisa oo ah magaalad
Gaalkacayo si uu warbixintaas caafimaad ugu soo diro magaaladan Melbourne. waxana
leeyahay walaal waad mahadsan tahay.
Saciida Cabdi Maxamed
|
Waxaan kale oo aan mahad kalgacal iyo
ehelnimo ah u soo jeedinaya labada qof ee kal ah Cabdulaahi iyo Cabdiqani Cali
Yusuf oo iyana noogu deeqay gaarigooda nooca pickup-ak, fourwheel drive-ka ah.
Labadaas ninna weligay abaalkood go'yn karimaayo. Safarkaygii ugu danbeyeyna
Cabdulaahi Cali Yusuf ayaa iigu deeqay gaarigiisa oo aan danaha caruurtaas ku
dhamaysanayey intii aan joogey magaaladas Bosaaso. Waxana sida oo kale mahad taas
oo kale ah u soo jeedinyaa walalahay Shirwac, Maxamed Cumar iyo Cabdulaahi
Maxamud Dhollowaa oo safarkan iyo kii horeba si wanaagsan iga qayb qatay.
Waxan si gooni ah mahad ugu dirayaa, mudan in si wanaagsa loga hadlo, Maxamed oo
ah walalkayga qaaliga ah ee ka tirsan maamulka Somalitalk.com.
Maxamed waxaa uu
noo suurta geliyey in dad badan oo ku kal nool Europe, North America iyo
Carabahaba ay nala soo xiriiraan si ay sadaqo taakulayn ah noola bixiyaan. Waxaa
kale oo walaalkay Maxamed noo suurta geliyey in arinkani noqdo mid lagu daydo.
Waxaadna ka garan karta inta qof ee ila soo xiriirtay, kuwaas oo jecel warkeedan
doonaya sidii ay arimahaan oo kale u qaban lahaayee. Taasin waxaan leeyahay
waamid aad iyo aad u qiimo badan, waxaan leeyahay SHAQO IYO CAAWINAAD WANAAGSAN.
Ciise M. Dhollowaa
|
Waxaan iyana mahad u soo jeedinaya maamulayaasha diyaarada DAMAL Airline,
khaasatan Cabdinuur Aden iyo Hussien Daud Noor oo jooga Dubai iyo Fowse Faarax
Injir oo isna jooga Bosaaso. Cabdinuur wuxuu noogu dadaaley in tigirka [Tickets] diyaarad
ee caruurta oo ah Bosaaso-Dubai-Bosaaso wax nalaka dhimo, arinkaasna isaga ayaa
si qof ahaan ah u dhameeyey, waana uga mahad celinayaa. Xusseen Daud Nuur waxaa uu
noogu yimid garoonka Sharji, markii aan caruurta ka soo qaaday Bosaaso, waxaana
uu noogu dadaaley in caruurta si Viso la'aan ah garoonka looga soo saaro si
habeenkaas aan Hotel Dubai ku yaal u seexino caruurtaas, si galabta danbe
diyaarda Melbourne soo aadeysa aanu u raacno. Taasna Xussien waa uu ku
guuleystey, waana uga mahad celinyaa. Waxaan isna u mahad celinyaa Fows Faarax
Injir oo ah maamulaha diyaarada DAMAL xafiiskeeda Bosaaso oo hawshayada noo
dedejiyey markaan ka soo baxayney magaalada Bosaaso. Waxaana marlabaad dadkaas
oo dhan leeyahay WAAD MAHADSAN TIHIIN.
Waxan mahad guud u soo wadda jeedinya dhamaan ummadda Somaliyeed ee deggan
magaaladan Melbourne, oo runtii ka qayb qaadatay soo dhoweynta, keenida iyo u
hagar baxa caruurtaa. Ilaa hadeerna dadkaas Somaliyeed ee magaaladan Melbourne
degan waxay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan wixii hiil iyo hooba ah ee
caruurtaasu baahan yihiin.
Waxaan ugu danbaystii mahad walaalnimo oo gaar ah u soo jeedinayaa walaalkay
Cumar Maxamud Dhollowaa oo ku dadaalay in nabadydu iyo ilaalintaydu noqoto
muhuum intii aan ku sugnaa magaalda Bosaaso. Waxaana walaalkay leeyahay ilaahay nabad
dushaada ha ka yeelo, waxaadna runtii tahay walaalkay qaali ah oo aan xaqiiqdii
jeclahay.
Intaas ka dib waxaan dhamaan walaalahayga qaaliga ah ee Somaliyeed, rag iyo
dumarba, ahna kuwa dhambaalkan akhrisanaya ka codsanayaa in arimahaan oo kale
aad isku daydaan sidii aad uga shaqayn lahaydeen. Kana fogaada qabyaalada,
sababta oo ah khayr iyo wanaag haday leedahay waddankeeni Somaliyeed ayaad ka
arki laheydeen. Aniga Ciise ahna waan arkay dhibta qabiilku leeyahay, sababta oo
ah noloshayda ayaa waxa ay gashay halis intii aan hada Somaliya ku maqanaa,
waxaana halistaas geshey hab dhaqameedka foosha xun ee qabiilku leeyahay.
Waxaana idin kula talinyaa in aad dhinaca wanaagsan ee qabiilka fiirisaan, koley
hadeynaan ka tegey dhamaantiis. Qofnana wax haku yeelinina qabiil iyo si kale
toona.