.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
gabdhoWarbixintii Ciise Dhollowaa ee Socdaalkii Boosaaso iyo Australia

Janaayo 5, 2002

Waxaan u soo gudbinayaa dhamaan ummadda Somaliyeed ee la socotey socdaalkaygii aan ku gaarey Bosaaso in ilaahay aniga iyo sadexdii gabdhood ee aan raadshey uu na nabad keenay. Safarkaasina wuxuu noqday mid lagu guuleystey.

Caruurtaasi waxaa hada hoy u ah magaladan Melbourne meel u jirta ilaa 70Km oo mageceeda la yiraahdo Kilmore, halkaasna waxaa ku haya ururka [Oganisation]-ka caruurta masuulka ka ah iyo labo gabdhood oo Somaliyeed oo iyagu wakhtigooda qaaliga ah u huray tabarucaadka sadexdaas gabdhood.

Caasho Ciise maxamed
Gabdhahaas da'doodu waxaa ay u dhexaysaa 6 ilaa 7 sano, waxaana ay ka kala yimaaden magaalada Buurtinle, Garoowe iyo tuulo aan aad uga fogayn magaalada Ceerigaabo. Labada gabdhood ee kala ah Caasho Ciise maxamed iyo Faadumo Carab waxaa laga hayaa wadnaha, waxaana lagu raja weyn yahay in labadaas gabdhood wadnaha laga qalo sadexda asbuuc ee soo socda. Maanta oo taariikhdu tahay 5 January waxaa cisbitaalka magiciisa layiraahdo Royal Childern's Hospital, ku jirta gabadha layiraahdo Caasho Ciise Maxamud oo wadnaha laga hayo. Labada gabdhood ee kalena waxay hada ku sugan yihiin magaalda hoygooda ah oo layiraahdo Kilmore.

Caruurtan keenistood waddankan waxaa howshooda ka qayb qaatay dad badan oo aanan halkan ku soo koobi karin. Waxaanse marka u horaysa mahad u soo jeedinayaa RABIGA WEYN ee isaga maaheen aan cid kale aan la caabudin, arinkana suurta geshey si nabad ahaan ah. Ilaahayna mahad weyn ayaan u soo jeedinayaa, waxaana leeyahay ilaahow adiga ayaa mahadaas leh.

Faadumo Carab Saciid
Waxanse guud maryaa dadkii hawsha ugu waaweyn ila qabtay. Waxaana dadkaas ugu horaya Gudiga qaaliga ah ee igala shaqayey arinkan, kuwaas oo jooga magaaldan Melbourne. Waxaana gudigaas mahad weyn u soo jeedinayaa Sheekh Cisse Cabdo oo isagu soo dhameyey dhaqaalaha caruurta halkan lagu keenay. Dhaqaalhaasna uu ka soo ururiyey dad badan oo Somali iyo ajnebi Islaam ahba ay ku jiraan. Waxana isla markaas mahad weyn u soo jeedinayaa Moira Kelly oo ah gudoomiyaha hawshan aan qabanay, haatan gacanta ku haysa caruurtaas.

Waxaan mahad qaaliya u soo jeedinayaa Cabdikariim Cirfe oo isagu safarkayagii hore noogu deeqay baabuurkiisa, nooguna yimid magaalada Boosaaso si uu noogeeyo ilaa Gaalkacayo, kadibna noogu soo celiyo magaalada Bosaaso. Waxaa Cabdikariin isla markaas ka qayb qaatay soo dirida warbixinta caafimaad [medical reports]-ka caruurtaas joogtey Buurtinle iyo Garoowe, hawshaas oo uu uga yimid fadhigiisa oo ah magaalad Gaalkacayo si uu warbixintaas caafimaad ugu soo diro magaaladan Melbourne. waxana leeyahay walaal waad mahadsan tahay. 

Saciida Cabdi Maxamed
Waxaan kale oo aan mahad kalgacal iyo ehelnimo ah u soo jeedinaya labada qof ee kal ah Cabdulaahi iyo Cabdiqani Cali Yusuf oo iyana noogu deeqay gaarigooda nooca pickup-ak, fourwheel drive-ka ah. Labadaas ninna weligay abaalkood go'yn karimaayo. Safarkaygii ugu danbeyeyna Cabdulaahi Cali Yusuf ayaa iigu deeqay gaarigiisa oo aan danaha caruurtaas ku dhamaysanayey intii aan joogey magaaladas Bosaaso. Waxana sida oo kale mahad taas oo kale ah u soo jeedinyaa walalahay Shirwac, Maxamed Cumar iyo Cabdulaahi Maxamud Dhollowaa oo safarkan iyo kii horeba si wanaagsan iga qayb qatay.

Waxan si gooni ah mahad ugu dirayaa, mudan in si wanaagsa loga hadlo, Maxamed oo ah walalkayga qaaliga ah ee ka tirsan maamulka Somalitalk.com. Maxamed waxaa uu noo suurta geliyey in dad badan oo ku kal nool Europe, North America iyo Carabahaba ay nala soo xiriiraan si ay sadaqo taakulayn ah noola bixiyaan. Waxaa kale oo walaalkay Maxamed noo suurta geliyey in arinkani noqdo mid lagu daydo. Waxaadna ka garan karta inta qof ee ila soo xiriirtay, kuwaas oo jecel warkeedan doonaya sidii ay arimahaan oo kale u qaban lahaayee. Taasin waxaan leeyahay waamid aad iyo aad u qiimo badan, waxaan leeyahay SHAQO IYO CAAWINAAD WANAAGSAN.

Ciise M. Dhollowaa
Waxaan iyana mahad u soo jeedinaya maamulayaasha diyaarada DAMAL Airline, khaasatan Cabdinuur Aden iyo Hussien Daud Noor oo jooga Dubai iyo Fowse Faarax Injir oo isna jooga Bosaaso. Cabdinuur wuxuu noogu dadaaley in tigirka [Tickets] diyaarad ee caruurta oo ah Bosaaso-Dubai-Bosaaso wax nalaka dhimo, arinkaasna isaga ayaa si qof ahaan ah u dhameeyey, waana uga mahad celinayaa. Xusseen Daud Nuur waxaa uu noogu yimid garoonka Sharji, markii aan caruurta ka soo qaaday Bosaaso, waxaana uu noogu dadaaley in caruurta si Viso la'aan ah garoonka looga soo saaro si habeenkaas aan Hotel Dubai ku yaal u seexino caruurtaas, si galabta danbe diyaarda Melbourne soo aadeysa aanu u raacno. Taasna Xussien waa uu ku guuleystey, waana uga mahad celinyaa. Waxaan isna u mahad celinyaa Fows Faarax Injir oo ah maamulaha diyaarada DAMAL xafiiskeeda Bosaaso oo hawshayada noo dedejiyey markaan ka soo baxayney magaalada Bosaaso. Waxaana marlabaad dadkaas oo dhan leeyahay WAAD MAHADSAN TIHIIN.

Waxan mahad guud u soo wadda jeedinya dhamaan ummadda Somaliyeed ee deggan magaaladan Melbourne, oo runtii ka qayb qaadatay soo dhoweynta, keenida iyo u hagar baxa caruurtaa. Ilaa hadeerna dadkaas Somaliyeed ee magaaladan Melbourne degan waxay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan wixii hiil iyo hooba ah ee caruurtaasu baahan yihiin.

Waxaan ugu danbaystii mahad walaalnimo oo gaar ah u soo jeedinayaa walaalkay Cumar Maxamud Dhollowaa oo ku dadaalay in nabadydu iyo ilaalintaydu noqoto muhuum intii aan ku sugnaa magaalda Bosaaso. Waxaana walaalkay leeyahay ilaahay nabad dushaada ha ka yeelo, waxaadna runtii tahay walaalkay qaali ah oo aan xaqiiqdii jeclahay.

Intaas ka dib waxaan dhamaan walaalahayga qaaliga ah ee Somaliyeed, rag iyo dumarba, ahna kuwa dhambaalkan akhrisanaya ka codsanayaa in arimahaan oo kale aad isku daydaan sidii aad uga shaqayn lahaydeen. Kana fogaada qabyaalada, sababta oo ah khayr iyo wanaag haday leedahay waddankeeni Somaliyeed ayaad ka arki laheydeen. Aniga Ciise ahna waan arkay dhibta qabiilku leeyahay, sababta oo ah noloshayda ayaa waxa ay gashay halis intii aan hada Somaliya ku maqanaa, waxaana halistaas geshey hab dhaqameedka foosha xun ee qabiilku leeyahay. Waxaana idin kula talinyaa in aad dhinaca wanaagsan ee qabiilka fiirisaan, koley hadeynaan ka tegey dhamaantiis. Qofnana wax haku yeelinina qabiil iyo si kale toona.

Qore: Ciise Maxamud Dhollowaa Victoria, Australia
Phone;
0415 172 025 (in Australia)
61 415 172 025 (outside of Australia)
imfarah@students.latrobe.edu.au


LIFAAQ
Ubadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan intaas kuma eka ee waxaa jira in badan oo kale oo weli u baahan mucaawino bini aadaminimo, sidaas daraadeed qofkasta oo kaalin ka geysanaya wixii mucaawino ah ee uu awoodo haku soo hagaajiyo Ciise Dhollowaa oo lagahelo cinwaanka kore idinkoo soo marinaya xawaaladaha Soomaalida ama eeg halkan

_________________________________

FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002

MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SAWIRRO: GUJI SAWIR KASTA
gabshaha oo hortaagan aabayaashood oo jooga Boosaaso.
Aabayaasha saddexda gabdhood, Boosaaso, Soomaaliya.
Guriga lagusoo dejiyey gabdhaha, Australia.
gabdhaha oo soogaarey Australia
Gabar Australian ah oo Soodhoweysey gabdhaha
Soodhweyntii Soomaalida Australia
Soodhoweynta Soomaalida
Soomaalida Australia
Cabdi Cilmi oo waraysanaya Axmed Shire
Ciise dholowaa iyo asxaabta soo dhoweysey
Australianka soo dhoweeyey gabdhaha.



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety