Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeybgsleen madaxda ugu
sarreysa dowlada.K.M.G ah ee kala ah madax weynaha DR. C/qaasim salad xasan,
Gudoomiyaha baar lamaanka Cabdala deerow,gudoomiyaha maxkamada sare
Sh/ aadan, Raizl wasaare xasan abshir, wasiiro xildhibaano, taliyaal ciidan
iyo marti shaf kale laguna soo dhaweynayay wafdigii uu hogaaminayay Dr
c/qaasim ee shalay dalka ku soo laabtay ayaa xalay lagu qabtay madaxtooyada
K.M.G.ah .
Xaflada oo aan ahayn mid nooceeda oo kale aan hore looga baran kasoo
noqoshooyinka madaxweynaha ee safaradiisa ayaa ahayd mid wayn oo si weyn
looga
Dareemay muqdisho isla markaana dad farabadan buuxiyay hoyga madaxweynuhu
Oo ory ka qayb galeen.
Fanaaniinta Hobolada waaberi ayaa kusoo ban dhigay suugaan ka turjumaysa dib
u heshiisiinta soomaaliya oo ay aad ula dheceen intii ka qayb gashay
xafladaas .
Dr c/qaassim oo halka ka jeediyay qudbad uu ku dheeraaday oo qaadatay
waqti aan kayarayn hal saac ayuu ku sheegay safarkiisii uu ku tegay dalalka
K/afrika, Liibiya,
Jabuuti.
Wuxuu sheegay Dr c/qaasim in dalka k/afrika uu kaga qaybgalay shir ay madax
uu asagu ka midyahay ku soo dhiseen ururka AU oo bedelay OAU isla markaana ah
urur leh qaybo badan oo Africa horumar u hor seedi kara.
Soomaaliya iyo Sunta ku duugan
Meelaha sunta halista ah lagu sheegay waxaa kamida: Hobyo, Mareeg, Jawhar, Muqdisho, Marka, Baraawe, Bardaale (Baydhabo), Jamaame, Boosaaso, Xaafuun, iyo wadada u dhexeysa Boosaaso iyo Garoowe
iyo meelo kale.
Xeebta dheer ee Soomaaliya cid u warhaysaa ma jirto. Akhri warbixintii sunta Soomaaliya Dr. Bashiir Sh. Maxamed
|
Ururka AU wuxuu yeelanayaa gola sare gudi fulin oo ka kooban golaha
wasiirada Afrika, guddi joogto ah oo ah Safiiro, B/lamaanka afrika, madaxda
sare ee afrika, golaha Afrika oo ka kookban 15 dal oo u madax banaan in ay
fara gelin ku sameeyaan dal kasta oo amaan xumo ku dhacdo, in la sameeyo
ciidan afrika kadhexeeya iyo dhismaha hay’adda dhaqaalaha afrika.
Wuxuu sheegay Dr C/qaasim intii uu socday shirkaasi uu kulamko la yeeshay
madaxwaayna yaal ay ka mid ahaayeen Moi, J/obasango, cabdalla wad c/casiis
bufatliqa, Thabu Mbeki, jen.Albashiir, Yuweri Musavani, Col/qadaafi, meles Zanaawi iyo
xubno kale oo ay islasoo qaadeen xaalada soomaaliya.
"Kulan aan saacad iyo bar qaadanay kadib waxaan islagaranay meles zanaawi in
wada hadal dhab ah lafuro" ayuu yiri DR. C/qaasim oo sheegay in wadahadalkaas
bilaawga ah ay ayaga iyo itoobiyo usiisconayo uuna dhex dhexaadiye
kayahay kulankaan madaxweynaha suudaan jen.albashiir.
Wuxuu sheegay Dr.C/qaasim in socdaal uu ku tagay liibiya
ay mudo
laba saaca shir wada qaateen Col.Qadaafi oo ay wada saxiixeen heshiis
lacageed oo ay liibiya amaahineyso dowlada K.M.G ah iyo in liibiya qaadato
xoolaha soomaaliya.
"Waxaa ayaan dara ah duulaan kii foosha xumaa ee lagu qaaday dadka reer
madiina"
Ayuuyiri DR.C/qaasim oo tacsi udiray intii ku geeriyootay dagaalkii degmada
madiina ka dhacay oo uu ku tilmaamay inuu sababay hubka laga keenay
Itoobiya.
Ra’iiaal wasaaraha Dowladda K.M.G ah Xasan Abshir faarax oo hadal ka
jeediyay xafladaas ayaa kadalbaday qaban qabanqaabiyayaasha shirka dib-u-heshiisiinta ee Nairobi
in laga qeyb geliyo shirka bulshada sida culimada,
odayaasha dhaqanka, gudiga dibu –heshiiisiinta, waxgaradka iyo haweenka si
aanay u noqon shir loo qabanayo inta xukunka doonaysa
WQ. C/laahi mire (qadaafi)
EMAIL. qadafi114q@hotmail.com
SomaliTalk.com | July 27, 2002
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001